DAAWO SAWIRADA:- Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Maaliyada oo ku guuleysatay Kursiga Labaad ee Beelaha Banaadiriga

0

Waxaa goor dhow xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ka dhacay doorashada kursiga labaad Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga, iyadoo labo musharax ay ku tartamayeen.

Kursigan oo ahaa kursi ay haween kaliya ku tartamayeen ayaa ahaa kursiga qoondada Haweenka ee Beesha Bandhawow oo ka mid ah beelaha banaadiriga.

Saddex haween oo ku tartamayay kursigan ayaa waxay kala ahaayeen Fahmo Axmed Nuur oo kursigan difaacaneysa, Tuuma Cusmaan Nuur, waxaa tartanka ka hartay Caasha Maxamed Xuseen.

Labada Musharax ee isku soo haray tartankan oo kala ah Fahmo Axmed Nuur iyo Tuuma Cusmaan Nuur ayaa ahaa Ilmo adeero, waxaana kursiga ku guuleystay Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod oo ah dhamaan cododka ergadii wax dooraneysay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

banaadir2 banaadir3 banaadir4 banaadir5 banaadiri1 banaadiri4 banadir