DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo wado cusub dhagax dhigay

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xuseen Tootole  ayaa Maanta Cadaado siwada jir ah uga  dhax dhigay 3 wado  oo jaay ah kuwaasi oo ah wajigii labaad ee mashruuca tababar wadaag.

Gudoomiyaha Dagmada Cadaado Cabdulaahi Cabdi Raxmaan Xuseen Tootoole ayaa sheegay in Mashruuca uu yahay Midki 2baad ay kaga faa’iideysanayaan ka maamul ahaan xili uu sheegay in ay horay kaga faa’iideesteen Dhismo lagu kordhiyay  isbitaalka Cadaado.

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi ayaa Bulshada Galmudug ku Bogaadiyay sii Xoojinta amniga si loogu sii talaabsado Hormar kan  kasii Wanaag san waxaa uuna sidookale sheegay in 4 dagmo oo kamid ah Galmudug uu ka soconayo  Mashruuca tabarwadaag.

Sanadkaan sii dhamaanaya waxaa Magaalada Cadaado laga hirgaaliyay ilaa 8 wado oo jaay ah oo qaar kood hada aay socdaan dhismahooda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

cc1 cc2 cc3 cc4-300x203 cc5 cc6