DHAGEYSO+SAWIRO:- Guddiyada Nabadeynta Gaalkacyo Oo Maanta Kormeeray Jiidahi Laga Qaaday Ciidamada Galmudug iyo Puntland

0

Xaalad Gaalkacyo ayaa hadda dagan waxaana socda kulumo wada xaajood ah oo ay wadaan gudiyo isku dhaf ah oo kala matalaya Galmudug iyo Puntland si loo dhameystiro qodobadii hore Gaalkacyo ay ugu gaareen madaxweynasha Galmudug iyo Puntland .

Gudiyada ayaa maanta oo axad ah waxaa ay kormeer ku tagen goobihii horay ay ugu dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Punland si loo xaqiijiyo nabada iyo dib u heshinta Gaalkacyo .

Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland xasan Maxamed Abgalow iyo sarakiil cidan ayaa waxaa ay kormeer ku tageen jiidihii laga saaray ciidamada Galmudug halka gudoomiyaha gobolka mudug ee Galmudug abdirashiid Xaashi Cartan uu isagan komeer ku tagay jiidihii laga saaray ciidamada Puntland.

Hoos ka Daawo Sawirada, Kana Dhageyso Codka:-

 

01 02 03 04 05 06 07 08 09 11 12 13 14 15 16