DAAWO SAWIRADA:- Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug oo abaaro laga soo sheegayo

0

Iyadoo ay kasii darayso xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Galmudug ayaa maamulka Galmudug wuxuu diray dhawr wefdi oo loo kala diray dhammaan deegannada Maamulkaas, kuwaas oo qiimaynaya baaxadda abaarta, si gurmad deg deg ah loo abaabulo.

Wefdiyada maamulku diray ayaa dhammaan deegaannadii ay tageen waxay ugu tageen dad ay xoolihii ka dhammaadeen oo diif iyo diihaal ba’an ka dhaxlay musiibada Abaarta, deegaannada qaar dad ayaaba u geeriyooday nafaqo darro, sidoo kale waxaa jira dad qaab deldelaad ah isku dilay, kadib markii ay abaarta ku waayeen dhammaanba duunyadii ay dhaqanjireen.

Deegaannada ugu daran ee masiibooyinkaas ay saameeyeen waxaa ka mida , deegaannada  Baxdo, Qaydaro, Wissil, Hobyo,  xero-dhagaxlay, Col-guula, wargalo iyo deegaanno kale,

“Magacaygu waa Catoosh Muqtaar ku nool deegaanka qaydaro ee degmada baxdo deegaanka qofkii ka tegikaray waa ka barakacay, xoolihiina waxay u qaybsameen in abaarta ku le’day iyo in ceelashii soo gaari waayey, marka abaarta na haysataa ma sahlana,” ayuu dhahay Catoos

“Magacaygu waa Maxamuud Jimcaale Wardheere oo ku nool Deegaanka Xero Dhagaxlay Xaaladdeennu meel xun ayey maraysaa, xoolihii waxay noqdeen wax le’day iyo wax liita, biyo ma haysanno, marka Xaaladdeennu waa liidataa, waxaan codsanaynaa cid kasta oo na caawinkarta inay noosoo gurmato”. ayuu isna hadalkiisa ku daray  Jimcaale.

Wasiirka Gargaarka beni’aadanimada iyo daryeelka Naafada maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo hor kacayey guddigaas ayaa ka hadlay dhibaatada deegaanka ka jirta.

“Deegaanada aan marnay waxaan ku aragnay dhibaato lixaad leh oo ay abaartu keentay, waxaan qaylo dhaan u diraynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, Maamulka Galmudug, dawladda Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah, waxaan u sheegeynaa in xaaladda abaarta Galmudug ay kasii darayso, sidaas darteed waa in la sameeyaa gurmad ballaaran oo deg deg ah”.ayuu yiri Wasiir Shire Xirsi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

abar8-1024x576 abaar1-1024x576 abaar2-768x432 abaar3-747x420 abaar4-1024x576 abaar7-1024x576 abaar9-768x512 abaar10 abar6-1024x576