XOG:- Xaqiiqda doorashada Mahad Cawad: Sidee kursigiisa loo keenay Muqdisho?

0

 

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia ee xildhibaanada Waqooyi.

Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay Guddoomiye ku­xigeenka Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdulle Cawad oo ka guuleystay Musharaxii la loolamaayay Xasan Maxamed Nuur oo helay codad aad u liita.

Mahad Cabdulle Cawad ayaa helay inta badan codadka Ergada 50, waxa uuna sidaa uga guuleystay Musharax kale.

Mahad Cabdalle Cawad ayaa hore ugu fashilmay inuu ka soo galo degaanada Puntland oo mar loo sharxay aqalka sare, iyo Galmudug oo uu diiday inuu tago.

Musharaxan oo isbaheysi siyaasadeed ka la laha maamulka Puntland iyo madaxweyne C/weli Gaas ayaa Guddiga doorashada ka dalbaday in kursigiisa loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, maadaama aanu tegi karin magaalada Cadaado sababo siyaasadeed iyo kuwa ammaan darteed.

Kursiga Mahad ku soo baxay ayaa ka mida kuraastii beesha Dir ee taallay magaalada Cadaado, balse loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho.