XOG CUSUB:- Wax badan ka ogoow Qorshaha Xasan Sheekh ee Itoobiya

0

Madaxweynaha xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhoofay dalka Itoobiya, halkaasoo madaxda Itoobiya ugu yeereen.

Socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dambeeyay kadib markii ay madaxda Itoobiya ugu yeereen Addis ababa madaxda iyo musharixiinta ay ka mid yihiin:

1. Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) – Madaxweynaha Jubbaland

2. C/weli Maxamed Cali (Gaas) – Madaxweynaha Puntland

3. Shariif Xasan Sheekh Aadan – Madaxweynaha Koonfur Galbeed

4. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke – Ra’iisal wasaaraha

5. C/raxmaan C/shakuur Warsame – Musharax Madaxweyne

Dowladda Itoobiya ayaa madaxda musharixiinta kor ku xusan mid mid kulamo ula yeelatay iyadoo kala hadashay arrimaha doorashada iyo mowqifyadooda, waxaana wararku sheegayaan inay Itoobiya ururisay fekradaha madaxda saameynta ku leh doorashada.

Xasan Sheekh ayaa socdaalkan noqonayaa kii saddexaad ee muddo laba bilood gudahooda ah uu ku tago dalka Itoobiya, wuxuuna noqday hogaamiyaha ugu horeeya ee Itoobiya ay taageersan tahay.

Ma jirto go’aan cad oo ay Itoobiya ka qaadatay cidda ay taageereyso musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha marka laga reebo inay la dhacsan tahay soo laabashada Xasan Sheekh, laakiin waxaa arrintaasi culeys ku keenay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo sheegay inaysan la shaqeyn karin Xasan Sheekh ayna ka horjeedaan inuu dib u soo laabto.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in madaxda Itoobiya ay go’aan cad siiyaan, iyagoo siinaya taladooda ugu danbeysa, taasoo laga cabsi inay wax ka bedesho mowqifkeedii hore.