XOG CULUS:- Gen. Gebra oo fadeexeeyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya…

0

Sida ay ku soo waramayaan mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Safaarada Itoobiya ee ku taalla eeryada Madaxtooyada laga mamnuucay Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka howlgala Villa Sooomaaliya.

Mas’uuliyiintaani ka howlgala Villa Soomaaliya, ayaa waxaa Safaarada ka eryay Gen. Gebra oo dowlada Ethiopia u qaabilsan dhanka Sirdoonka iyo kala geynta Soomaalida.

Gebra ayaa ilaalada Safaarada Ethiopia ku amray inaysan soo deyn karin ilaa 6 mas’uul oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo Liiskooda loo gudbiyay Taliyaha Ilaalada Safaarada.

Gebra waxa uu Taliyaha Ilaalada Safaarada ku amray inay xiraan mas’uuliyiintaasi haddii ay dhacdo inay kusoo laabtan Safaarada.

Mas’uuliyiinta laga mamnuucay Safaarada ayaa waxaa lagu eedeeyay in dhowr jeer ay Safaarada ka qaaden Fiisooyin dal ku gal ah, balse waxa ay fiisooyinka kasii iibiyeen dad la sheegay inay ahaayen Tahriib.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda lagu eedeyo inay ka ganacsadaan Fiisooyinka dal ku galka ah oo ay ka helaan Safaaradaha ku yaalla Muqdisho.