XOG:- Beesha caalamka oo diiday 49 ka mid ah xildhibaanada cusub+AKHRISO

0

Beesha caalamka ayaa diiday 49 ka mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo la tuhunsan yahay in si musuq maasuq ama awood sheegasho ah lagu soo doortay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay ku wargelisay guddiga doorashada in shahaadada aqoonsiga xildhibaannimo aan la siin 49­ kan xildhibaaan, inta arrintooda laga xalinayo.

Xubnaha ayaa u badan xildhibaanno kuraastooda uu muran badan ku jiro, kuwaasi oo ay ku dhegan yihiin odayaasha dhaqanka beelahooda ama xubnihii la tartamay oo soo bandhigay musuq maasuq ay ku kaceen.

Waxaa sidoo kale ka mid ah xildhibaano kuraastooda markii hore loo qoondeeyey haweenka, balse si qasab ah rag loogu doortay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan arrintooda baaritaan dheeri ah lagu sameyn doono, kadibna xubnihii lagu waayo caddeymo xooggan la fasaxi doono halka kuwa kalena dib loogu noqon doono doorashadooda.

Inta badan xildhibaanadan ayaa u badan kuwo ku xiran madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa Damu­jadiid.

Beesha caalamka ayaa qoraal ay u dirtay guddiga doorashada ugu baaqday in la nasakho dhammaan kuraasta musuq maasuqa lagu doortay, haddii baaritaanka socda lagu soo caddeeyo.