WARBIXIN:- 3-da kursi ee ay hakadka ugu jirto doorashada Hirshabeelle

0

Doorashada aqalka hoose ee ka socotay Magaalada Jowhar ayaa hakad gashay kadib markii la isku qabsaday qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamayo.

Kuraasta qaar waxaa faragelin ku haya Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe halka kuwo kale ay beelaha isku mari la’yihiin.

Guddiga doorashada Hirshabeelle iyo madaxweynaha maamulka ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyo khilaaf xoog leh,kaas oo sababay in guddiga joojiyaan doorashada Madaxweynahana xiro xaruntii doorashada ee FARJANNO.

Kursiga 1aad waa midka uu ku tartamayo C/llahi Goodax Barre,waxaana uu khilaafku ka jiraa Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Dowladda hadda jirta oo aan raalli ka ahayn soo laabadashada Goodax, Ergada ugu badan ee uu wato Goodax ayaa laga keenay Beledweyn, iyadoo laga tagay ergooyin ku sugnaa Jowhar oo ka soo jeeday Jufada Agoon ee Xawaadle,halkaas ayuuna ku hakaday Kursiga 1aad.

Kursiga 2aad waa mid maamulka Hirshabeelle uu dalbaday in laga reebo C/llahi Sheekh Xasan Wasiirka Ganacsiga Koofur Galbeed,kursigan waxaa isku heysta beesha daa’uud dhexdeeda,waxaana khilaafkaas asal u ah kursiga aqalka sare ee uu ku fariistay Muuse Suudi Yalaxoow.

Nabaddoon ka Beesha ayaa doonaya in C/llahi Sheekh Xasan u tartamo Kursiga iyada oo jufada kale ee ay diidday taasna ay keentay in Kursigaasi go’aan ka gaaro Maamulka Hirshabeelle oo uu ku dhawaaqay in laga reebay C/llahi Sheekh Xasan maaddaama jufadiisa heshay aqalka sare,loona baahan yahay in jufada kale  ay qaadato aqalka hoose.

Murankaas ayaa isna ka mid ah hakadka ay ku jirto doorashada Hirshabeelle oo ay ka dhimanyihiin 11 kursi oo kale.

Kursiga 3aad waa Kursiga Daahir Amiin Jeesow,kursigan waxaa galaangal ku leh Ugaaska Beesha Gaaljecel oo doonaya in uu soo laabto Jeesow,halka Jufada Bees Luhube ay doonayaan in Kursigan ay iyaga qaataan Sanadkan.

Musharrax ka soo horjeeda Jeesow ayaa aad uga biyadiiday sida uu Ugaaska ugu qeybiyay Ergooyinka isaga oo sheegay in uu beelo ka tagay,jufa ka mid ahna jilib jilib ugu qeybiyay.

Kuraasta dhiman waxaa ka mid ah Kursi sababay gacan kahadal kaas oo ay leedahay Beesha Jidle,islamarkaana la isku rasaaseeyay oo ay dad ku dhaawacmeen 18kii November,waxaana Musharrixiinta ku tartamayay ka mid ah Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Max’ed C/llaahi Xasan Nuux.

Rasmiyan looma oga xilliga ay dib u billaabaneyso doorashada aqalka hoose ee Jowhar iyada oo Guddiga doorashada dadban ee Federaalka ay sheegeen in hadda ay diyaaryihiin Xildhibaanno gaaraya 186 Xildhibaan,kuwaas oo dooran kara Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub.