Warar ku saabsan Degaanka Gambar-laawe

0

Degaanka Gambar-laawe oo dhanka Koonfureed ka xiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan shalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo koox Isbaaro dhiganeysay.

Dagaalkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa ku dhimatay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, halka kooxda Isbaarada u tiilay uu ka dhintay 1 Qof.

Xaalada goobtii shalay lagu dagaalamay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana kooxdii jidgooyada dhigatay ay isaga carareen goobtii lagu dagaalamay.

Goobjooge ku sugan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, sidoo kalena Ciidanka Dowladda Federaalka ay halkaasi ka wadaan Howlgallo.