WAR DEG DEG:- Puntland oo Go'aan Deg Deg ah ka soo saartay Doorashada

0

Maamulka Puntland ayaa dib u fasaxay Doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Garowe oo maalmahan hakad ku jirtay.

Hakadka Maamulka Puntland uu geliyay Doorashada Aqalka Hoose ayaa timid kadib markii ay ka carootay qaabka hada loo qeybinayo xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in maanta ay rajeynayaan in ay dib u bilaabato Doorashada Aqalka Hoose ee Garowe.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) ayaa horey u sheegay Doorashooyinka Puntland in loo joojiyay arrimo siyaasadeed.