Ukraine oo qorshaynaysa in ay gantaallo ku tijaabiso Badda Madaw

0

Dawladda Ukraine ayaa sheegtay in ay wali qorshaynayso in ay maanta oo Khamiis ah ay gantaallo ku tijaabiso Badda Madaw.

Inkastoo Xukuumadda Ruushku ay arrintaas ku tilmaantay daandaansi.

Waxaa lagu soo waramayaa in Ruushku uu ku hanjabay in uu soo rido doono gantaalada amaba uu weerar ku qaadi doono goobta gantaalada laga soo ridayo ee ku taalla Koonfurta Ukraine.

Ukraine ayaa qorshaynaysa in tijaabooyinka gantaalada labo maalmood ka wadaan gacanka Crimea.

Ruushka ayaa Crimea la wareegay labo sano ka hor.

Laakiin xukuumadda Kiev ayaa meesha ka saartay talaabada uu Ruushku kula wareegay Krimea waxayna ku tilmaameen dhalanteed.

Gantaaladan la tijaabinayo waxay qayb ka yihiin dhoolo tus millatari oo wayn oo ay ka qaybqaadanayaan aradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyuhu la soconin.