TOP NEWS:- AMISOM oo ka hadashay Doorashada ka socota Muqdisho

0

Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya u jooga Nabad ilaalinta ayaa waxa ay ka hadleen Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay Muqdisho ay ka bilaabatay Doorashada Beelaha Banaadiriga.

Isuduwaha Hawlaha Ciidanka Booliska AMISOM Emmanuel Mukama ayaa waxa uu sheegay farxad weyn in ay tahay Dorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Muqdisho, maadaama arbushaad la’aan ay ku bilaabatay.

Waxa uu Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ku amaanay qaabka ay amniga u sugayaan, isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay dar dar geliyaan Howlaha Amniga, si looga hortago weeraro ka yimaada Shabaab.

“Sidii aan u sugi laheyn Amniga nafteena ayaan u hurnay, waxaana amniga sugaya Ciidamo xirfadlayaal ah oo isugu jira Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM” Ayuu yiri Emmanuel Mukama Isuduwaha Hawlaha Ciidanka Booliska AMISOM.

Shabaab ayaa horey waxa ay u sheegeen in ay carqaladeyn doonaan Doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.