TOOS U DHAGEYSO:- Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi Oo Sheegtay Musuq Maasuqa C/kariin Xuseen Guuleed iyo Ugaaska Beesha Saleebaan Oo Horey U Cadeeyay.

0

Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, afada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa si adag u weerartay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ka dib markii la musuq maasuqay kursigii Jufada Gaabane ee Beesha Saleebaan, Habargidir, kaga soo aaday qoondada dumarka.

Marwo Caasha Xaaji Cilmi, ayaan shalay Magaalada Cadaado uga qaybgelin tartanka kursigaasi, ka dib markii ay isu soo taaggeen musharaxiin rag ah, xilli sharcigu uu dhigaayo in kuraasta haweenka ay ku tartamaan haween oo keliya.

Caasha Xaaji Cilmi oo la hadashay VOA, ayaa tiri “Sidaad la socoto beesheyda waxay leedahay saddex kursi, sida Madashii Wadatashiga Qaran lagu heshiiyayna beeshii saddex kursi leh waa inay mid noqotaa haween. Ugaaska Beeshu wuxuu u qoondeeyay Jufadeeda kursigii qoondada gabdhaha ee laga rabay Beesha. Jufadaasi waxay leedahay buu yiri kursiga gabdhaha, waxaana ku soo tartamaaya gabdho.”

Markale waxay tiri “Sidaasi daraadeed aniga kii maanta oo rag ay ku tartamayeen, marna kuma jiro, mabda’iyana maba aaminsani inaan la tartamo rag, ayadoo qoondada haweenku jirto. Haddii Jufadeedu jufo aanan ahayn ay qaadan laheyd qoondada gabdhaha, aniga maba tartameen.”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata, ayay tiri “Kursigaas wuxuu ahaa kursi gaar looga soocay kuraastii taalay Dowlad Goboleedka Galmudug, wuxuuna noqday kursi arrintiisu Somaliya oo dhan ay shaac ka noqotay.”

Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan Baarlamaanka uu hadda waqtigiisu dhammaaday, ayaa tiri “Culeys gaar ah ayaa kursiga la saaray, ayadoo aniga la’iga dhex arkayo, waxaana gaar ahaan kursigaasi dagaal aan qarsoodi lahayn ku hayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.”

Marwo Caasha, ayaa intaa ku dartay “Sida ku xusan oo marag u tahay warqaddii uu ugu jawaabay Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya, bisha 18-keedii warqaddii uu soo qoray, jawaabtii C/kariin ka bixiyay oo uu uga hadlay arrinta ku saabsan kursigaas. Qofkii akhriyaa wuxuu garanayaa qofka aniga kursiga igu haystaa inuu C/kariin yahay, anigana la’ii sameeyay sharuudo aan Xildhibaanada kale lagu xirin.”

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa hormuud u ahaa qaraarka looga horyimid go’aanka ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Saleebaan, oo uu hogaaminaayay Ugaaska Beesha, Ugaas C/laahi Ugaas Faarax.

Ugaas C/laahi Ugaas Faarax, ayaa Warbaahinta u sheegay in la fara-geliyay kursigaasi, oo ay iyagu go’aamiyeen inay ku tartamaan haween oo keliya.

Wasiirka, ayaa markii hore boobay kursiga uu isagu ku fadhiyo, oo ay u doorteen ergo uu diyaarad kaga soo daabulay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Odawaa, ayaa markale musuq maasuq xoogan ku sameeyay kursiga Jufada Gaabane, oo Odayaasha Dhaqanku isu raaceen in dumar oo keliya ay ku tartamaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah xubin fir fircoon oo ka tirsan Dam Jadiid, ayaa soo abaabulay Maxamed Axmed Abditoon (Abtidoon Yare), oo Arbacadii ku guuleystay kursigii ay u sharaxneyd Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.

Odawaa, ayaa Madaxweyne Guuleed ka caawinaya, sidii kursiga Jufada Haysow looga weecin lahaa shakhsiga ay taageersan yihiin Odayaasha Dhaqanka, looguna dooran lahaa kursigaasi nin lagu magacaabo Saabir Nuur Shuuriye, oo ay dhabarka ka riixeyso Villa Somalia.

Haddii Odawaa uu meelmariyo in saddexda xubnood ee Beesha Saleebaan uu ka dhigo rag taabacsan Dam Jadiid, ayaa wuxuu noqonayaa shakhsigii ugu horeeyay, ee ay soo adeegsatay Villa Somalia, isla-markaana meelmariya rabitaanka Dam Jadiid.

HALKAAN KA DHAGEYSO