TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo War cusub kaga dhawaaqday Xamar

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa wuxuu ka hadlay is qab qabsigii dhowaanahan u dhaxeeyay Shirkadda Caymiska ee Takaful iyo Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho.

Shirkada ceymiska ee Takaful ayaa Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho waxa ay ku amartay in ay bixiyan lacago caymis ah oo aan sharci ahayn, iyadoo arintaasna ay ka soo horjeesteen Gaadiidleyda.

Waxa uu sheegay arrimaha ceymiska in ay masuul ka tahay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu sheegay in aysan jirin wax ogolaansho ah oo Takaful ay ka heysatay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin wax shacabweynaha aysan raali ka aheyn in lagu qasbo, sidoo kalena sharci aan ku dhisneyn.

HALKAAN KA DHAGEYSO