Shilkii diyaaradda ee kooxda Brazil oo loo badinayo in ay shidaal la'aan keentay

0

Xukuumadda Kolombia ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan caddaymaha ku saabsan in diyaaraddii wadday ciyaaryahannada kubadda cagta ee reer Brazil ay burburtay iyada oo isku dayaysa in ay dagto ka dib markii ay shidaal la’aan noqotay.

Madaxa hay’adda duullimaadyada dadwaynaha Alfredo Bocanegra ayaa sheegay in baaritaannada hore ay tilmaamayaan in diyaaradda aysan shidaal ku jirin markii uu shilku dhacay.

Waxay u muuqataa in ay cadayn u tahay arrintaas cod la shaaciyay oo laga dhexmaqlayo duuliyaha oo dalbanaya in loo ogolaado in uu si dagdag ah u dago ayna haysato shidaal la’aan iyo cilad kale.

Lix ruux oo ka mid ah 77 ruux ee saarnaa ayaa badbaaday.

Freddy Bonilla oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda duulimaadyada dadwaynaha oo isna ka hadlay isla shirkaas jaraaid ayaa sheegay in sharcigu uu cayimay in diyaaraduhu ay wataan shidaal dheeri ah oo ay sii isticmaali karaan soddon daqiiqo si ay garoonkale ugu dagi karaan haddii xaalad dagdag ah ay timaado.