Gambia oo maanta ay doorasho ka dhacayso

0

Codbixiyayaasha waddanka Gambia ayaa isu diyaarinaya inay u dareeraan goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan darooshooyinka madaxtinimada ee waddankaasi.

Madaxweyen Yaxya Jammeh – oo awoodda dalkaasi hayay tan iyo 1994 – ayaa waxaa uu wajahayaa mucaarad u muuqdo inay midaysan yihiin.

Todoba xisbi oo mucaarad ah ayaa miisaankooda isugu geeyay hal musharax oo lagu magacaabo, Adama Barrow – kaasi oo malaha lagu tilmaamayba inuu yahay mid aanan sidaa loo aqoon oo lix bilood un ka hor shaashadda ka soo muuqday.

Inkastoo uusan firfircoonayn siyaasad ahaan haddana Mr Barrow waxa uu u muuqdaa inuu noqday ninka sida weyn ula tartamaya Madaxweyne Yaxya Jammeh.

Mr Jammeh laf ahaantiisa ayaananba qabin wax walwal ah – xilli muddo bilooyin ah ay dadka naqdiya ku eedaynayaan in si walbaba uu madaxweynuhu ugu dhaw yahay guul.

Mucaaradka ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u ololeynayay, hasayeeshee waxaa weli xabsiga ku jira siyaasiyiin sarsare oo mucaarad ah oo la xiray kaddib markii ay bishii Abriil isugu soo baxeen waddooyinka.