Dunida oo maanta laga xusayo Maalinta AIDS-ka

0

Ururada Caafimaadka iyo Hayadaha gar gaarka ee caalamiga ayaa maanta xusaya maalinta AID-ska adduunka, iyadoo la samaynayo Munaasabado lagu dhiiragalinayo ogaanshaha cudurka AIDS-ka.

Soomaaliya bukaanada qaba virus-ka dhaliya cudurka AIDS-ka waa la takooraa, taas oo adkaysa in bukaanku helo dawo, iyagoo inta badan qarsada cudurkan, waxaana ay ka baqayaan in lagu ogaado taasina waxa ay ka qayb qaadataa faafida cudurka oo aan laga haynin xog rasmi ah gudaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in cudurka hadda ay bilaabanayso in laga hortago, Laakiin waxa ay ka digtay in ay wali jirto inaan laga hadli karin, iyo inkiraad.

In ka badan Afartan Milyan oo qof oo ku nool adduunka ayaa qaba cudurka Viruska HIV/AIDS.

Maanta waxa ay ku beegan tahay 1-da bisha December, oo loo asteeyay maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana laga hadlaa dhibaatooyinka uu ku hayo cudurkan Malaaayiin qof oo dunida ku nool.