Abwaan Caan ah oo Xalay Muqdisho ku geeriyooday

0

Allaha u Naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Abwaan Cabdi Maxamuud Jacaf oo ka mid ahaa Abwaanada sida weyn looga yaqaanno Magaalada Muqdisho.

Abwaan Cabdi Maxamuud Jacaf ayaa u dhintay Xanuun Mudooyinkaan hayay islamarkaana uu kamid yahay Xanuunka Macaanka ama Sonkorta.

Saaka ayaa lagu wadaa in Abwaan Jacaf lagu Aaso Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.