XOG:- Boobkii Ugu Cuslaa Ee Doorashada Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacay Galmudug.

0

Beesha Saleebaan /Habar-Gedir, waxay Golayaasha Barlamaanka Somalia ku leedahay 4 (afar )kursi :3+1.Sida sharcigu qorayo oo go’aanadii madasha ee waqtiyada kala duwan ay qeexayaan -waa in saddexdii kursiba mid dumar loo qoondeeyaa. Sidoo kale, waa in Ugaaska laga xaqiijiyaa kursiga iyo xubnaha ergada labadaba.

Beesha Saleebaan iyo Ugaaskoodu Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax waxay isku waafaqeen in kursiga beesha Gaabane/Saleebaan loo qoondeeyo dumar keliya oo ay u tartamaan ayagu. Sidoo kale, Ugaasku asagoo wakiil ka ah beeshiisa ayuu gudbiyey ergo miisaaman ee 51 qof ah. Nasiib darro, Madaxweynaha Galmudug oo cid an muuqan matalaya ayaa wuxuu ku dhaartay inaan kursi dumar laga goynayn qoondada Reer Hagi Saleebaan oo an la aqbalayn ergada Ugaaska beeshu(Ugaas Abdullahi )soo gudbiyey! !Sababta waxaa lagu sheegay in la hubo in kursiga Asha Hagi Elmi an loogu codeyn doonin Damul-Jadiid.

Ugu dambeyntii ,saaka ayaa kulan qooto qooto ah la diyaarshay. Kaddib markii Guddiga Doorashada Galmudug lagu maray inay Abtidoon Yare, tartamayaal bug ah oo uu watay iyo ergo uu qortay ay u qabtaan kulan, ayna ku dhawaaqaan inuu yahay Xildhibaan. Sidaas baa saaka Mr Abtidoon loogu caleema-saaray Xildhibaan qooto qootaa! Kulankaas waa qaadaceen Md Asha Xaaji iyo gabdhihii kale oo ay ahayd in ay ku tartamaan. Maanta marka loo eego qabaa’ilada Somalia oo dhan,Beesha Reer Xaaji Saleebaan waa beesha keliya oo dhammaan afarteeda (4 )Xildhibaan ay kulligood rag yihiin.

Hadda, waxaa laga war sugayaa Guddiga Khilaafaadka iyo go’aanka ay ka qaataan boobkii ugu cuslaa ee doorashada Somalia oo maanta ka dhacay Galmudug. Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa yaaban yihiin oo waxay sugayaan jawaab degdeg ah.

Arrintaasi aad bay uga xanaajisay qabiilka iyo Beesha Caalamkaba.Bal eeg lifaaqa hoose : Qeylo-dhaanta Ugaaska iyo odayaasha qabiilka, warqaadda Safiirka Maraykanka iyo qoraaladaada kala duwan ee daneeyayaasha beesha caalamka ee Somalia.

Hoos Ka Daawo Ugaaska Beesha Saleebaa Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Hoos Ka Akhriso Waxay Ka Dhaheen Beesha Caalamka

us

us1

gal2

gal5