WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Donald Trump oo War ka soo saaray Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Jaamacadda Weeraray

0

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

Weerarkaasi oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah Cabdul Rasaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamnka ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.

Bogga wakaaladda wararka ee xiriirika la leh kooxdaasi, Amaq ayaa sheegay in wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa “Askeri” iyaga ka tirsan.