WAR DEG DEG AH:- Hay’adda NISA oo Jwb Kulul siisay Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid, uguna baaqday inuu Wax hubso

0

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa iska fogeysay Qoraal ka soo baxay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku eedeeyay inay faragelin ku heysto Doorashada.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Ra’iisal wasaaraha la marin habaabiyay, waxayna soo bandhigtay oday dhaqameedka uu sheegay in NISA ay xirtay oo hadlaya.

Waxaa Twitterka ee NISA  lagu xusay inaysan Ciiddanka NISA xireen Oday-dhaqameedka uu Ra’isul-wasaaraha sheegay inay Ciiddanka NISA xireen.

Qoraalka Barta Twitterka ee NISA waxa u qornaa sidatan:

NISA ‏@HSNQ_NISA 3h3 hours ago

Its unfortunate that the PM was mislead. NISA did not arrest the said elder. Here is on his own words.

Harun MarufVerified account@HarunMaruf

PM Sharmarke (a pres candidate) says national intel agency is interfering in election process, says an elder was arrested yesterday by NISA.

Dhinaca kale, Twitterka NISA ayaa lagu soo bandhigay Muuqaal muujinaya Oday-dhaqameedka oo Shir Jaraa’id qabtay.

Hadalka Jawaab-celinta ee Hay’adda NISA ayaa soo baxay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid soo saaray Qoraal uu ku eedeeyey NISA inay xireen Oday-dhaqameed ka soo jeeda Goballadda Waqooyi, kana mid ahaa 135-ka Oday Dhaqameed ee soo dhisay Dowladda Federalka.

Ra’isul-wasaarr Cumar ahna Musharax Madaxweyne  waxa uu ku amray Ciiddanka NISA inay faraha kala baxaan Hawlaha Doorashadda Dadban ee ka socda Goballadda Dalka.

Hadalka Ra’isul-wasaaraha ayaa ku soo beegmayo iyadoo inta badan 135-ka Oday Dhaqameed cabasho ka muujinayaan in faragelin lagu hayo Hawlaha loo idmaday.

Lama oga halka ay Ciidanka NISA ugu tagtay oday dhaqameedkan muranku ka taagan yahay, waxaana sii xoogeysnaya tartanka ololaha doorashada ee ka dhaxeeya labada musharax ee Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.