Doorashadii ugu adkeyd oo Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo iyo Siyaasiyiin Kursi waayay

0

Magaalada Baydhabo maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo barkhadii bilaabatay ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, waxaana lagu tartamayay Saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee yaalla Magaalada Baydhao.

Kursigii ugu horeeyay oo ay ku tartameen Xasan Ibraahim Maxamed iyo Maryan Ibraahim Maxamed oo walaalo ah ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Ibraahim Maxamed oo  helay 51 cod.

Kursigii Labaad ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Isaaq Cusmaan Fanax iyo C/rashiid Xaaji Xasan, waxaana guuleystay Maxamed Isaaq Cusmaan oo helay 35 cod, halka C/rashiid uu helay 15 cod.

Ugu dambeyntii kursigii Saddexaad oo ahaa mid xiiso gaar ah, maadaama ay ku tartamayeen 7 Musharax ayaa waxaa ku soo baxay C/fitaax Geeseey oo helay 38 Cod.

Magaalada Baydhabo ayaa hada waxaa lagu doortay 65 xildhibaan, iyadoo ay harsan yihiin 4 Mudane, Maadaama Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka imaanayaan 69 Xildhibaan.