DHAGEYSO:- Qaabkii ay Muqdisho ugu bilaabatay doorashada Xubnaha Aqalka Hoose

0

Waxaa Maanta markii ugu horeysay Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Doorashadii Maanta dhacday waxaa lagu doortay labo kursi oo kursi ka mid ah ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga, Waxaana labadaasi kursi ku tartamay Musharaxiin dhowr ah.

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guuleystay Kursiga Koowaad Waxa uuna helay Codad gaaray 50 Cod.

Labadii Musharax ee la tartameysay Mahad Cabdalla Cawad ayaa mid ka mid ah tanaasulay oo tartankii ka haray, Waxaana Musharax kale uu keenay 1 Cod.

Sidoo kale Kursiga Labaad waxaa ku guuleystay Khaalid Macoow C/qaadir, Waxa uuna helay Codad gaaraya 29 Cod Halka Musharaxa kale ee la tartamaayay uu helay 21 Cod.

Mahad Cabdalla Cawa iyo Khaalid Macoow C/qaadir ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ka dib Markii ay guuleysteen.

Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey ayaa ka hadlay doorashada Maanta ka bilaabatay Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Maanta booqday Xarunta ay ka dhaceysay doorashada ayaa warbaahinta u sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo doorashada Maanta ka bilaabatay Xarunta Gaadiidka Booliiska ee Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-