DHAGEYSO:- Puntaland oo Maanta Madaafiic ku soo Garaacday Dhanka Galmudug iyo Khasaaro ka dhashay

0

iyadoo Dhawaan Heshiis hor dhac ah galmudug iyo puntland ay ku kala saxiixden magaalada Gaalkacyo  kaasi oo Xal looga Gaarayo dagaalo culus oo gaalkacyo ka dhacay ayaa wali waxa shaki wayn laga muujinaya dhaqan galka heshiiskaasi markii siyaasiyiin iyo  ganacstada labada dhinac ay shegeen in wali dhanka puntland ay cidankooda uu dagan yahay goobo u dhaw halkii horay ciidankooda ay u dagnaayen.

Magalada aya waxa Xiliga Habeenkii ah ka Dhaca Rasaas xiliyada saqdhexe taasina waxa ay shaki galisay dad badan oo dagaalka gaalkacyo kadiib magalada  dib ugu soo laabtay.

Saaka aya madfac waxa uu ku soo dhacay   iskuulka Sare ee Mudug ee  magaalda gaalkacyo  kaasi oo ku yaal duleedka magalada gaalkacyo waxana  halkaasi  ka agdhaw saldhig ciidan  oo ay dagan yihiin ciidamo ka mida kuwa galmudug waxana wararku ay shegayan in puntlnad ay halkaasi ku soo tuurtay madfac wayn balse aysan dadna wax ku noqon marka laga reebo burbur soo gaaray iskuul halkaasi ka agdhawa oo arday  badan ay ku sugnaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-