Uganda: Xiisad ka taagan magaalada Kesese

0

Weli waxa xiisadi ka taagan tahay magaalada Kesese ee galbeedka Ugand, ka dib markii ciidamada nabad gelyado xidheen boqor dhaqameedkii gobolkaas.

Milatari iyo boolis ayaa gudaha u galay qasriga boqorka galabnimadii axaddii, warbaahinta maxalliga ahina waxay ku warantay in dagaal culusi goobta ka dhacay ka dibna la soo xidhay Omusinga Charles Mumbere. Weli ma cadda tirada dadka ku waxyeeloobay intii hawlgalkaasi socday.

Boolisku waxay sheegeen in ay sabtidii isku dhaceen koox gooni u goosad hubaysan ah, waxaana halkaa lagu dilay afar iyo toban askari oo boolis ah iyo kow iyo afartan ka tirsan dableydii la sheegay inay weerarka soo qaadeen.

Boqorku wuu beeniyey in uu wax xidhiidh ah la leeyahay kooxda, waxaanu haatan ku jiraa saldhig booliis oo ku yaal Kampala. Saraakiishu waxay lafagurayaan caddaymaha la hayo waxaana suurto gal ah in ay Omusinga Mumbere ku soo oogaan dacwado ah khiyaamo qaran, xaalad abuur, fadqalalayn iyo dambiyo kale.

Weli waxa Kesese jooga ciidamada nabadgelyada oo fara badan oo heegan ugu jira weerarro aargoosi ah oo ay soo qaadaan karaan taageerayaasha boqorku. Mitidiinta boqortooyada ayaa lagu eedeeyay in ay doonayaan, in ay dowlad cusub ka abuuraan galbeedka Uganda taas oo ay u hanqal taagayaan in ay gaadho ilaa bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo.