Beesha Ayle Jafaay oo ka cabaneysa Boob loo geystay Kursigooda Xildhibaan

0

Hoogaanka dhaqanka Beesha Eyle Jafaay ayaa sheegay in si xaq-daro ah loo boobay Kursigii Xildhibaanimo ee Beeshaasi ay ku lahaayeen Barlamanka Aqalka hoose ee dowladda Federaalka Soomaalia.

Sh. Xuseen Uuloow Gareemow oo ah Afhayeenka Beesha Eyle Jafaay ayaa  sheegay in Xubinta Barlamanka Aqalka hoose ah oo ay ka soo heleen wax qeybsigii Imbagaati hada la dhacayo, waxana uu hoosta ka xariiqay in Kursigaasi ay beeshu laheyd tan iyo 2012kii.

Hase ahaatee waxa uu xusay in Doorashadii 2012kii oo ay Xildhibaanada soo xulayeen 135-ta Oday Kursigii ay lahaayeen uu  si Cadaalad daro ah uga boobay Ugas Honeere oo kamid ahaa Odoyaashi barlamanka soo xulayay kaasi oo kursigaasi siiyay  Maryan Aweys oo aan ka soo jeedin Heybta xaqa u leh Kursigaasi.

Afhayeenka Beesha Eyli Jafaay, Sh. Xuseen Uuloow Gareemow  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Madasha Wadatashiga Qaran ay isku Raaceen Xubintaasi ay leedahay Beesha Eyle Jafaay islamarkaan xalkeeda loo saaray Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne  Axmed Madoobey waxana uu hoosta ka xariiqay in iska daba wareejis dheer kaddib ay soo gaartay in Kurisigii lagu tartamay oo ay beel kale Xaqdaro ku qaadatay.

Dhanka kale, Malaaq Maxamed Sharey Iimaan oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa su’aal ka keenay in Dowladu ay u dhexeyso iyo in kale beelaha Eyli Jafaay iyo Musunguli? oo uu muujiyay in Dowladdu ay la safantahay dhinac qura taas oo ka fog cadaalada.

Ugu Danbeyn Malaaqa ayaa sheegay in Madaxweyne  Shariif Xasan Sheekh Aadan uu si fiican u garanayo cida iska leh Kursigaan iyo ninka ka dhintay oo la yiraahdo Xaaji Aadan Xuseen Maama oo ku dhashay Wanlaweyn oo ka tirsan Sh/hoose, markii uu dhintana booska lageyay wiilka oo xaq u lahaa.

Waxana uu ugu baaqay Madaxweyne Shariif Xasan in Kursigan uu yahay mid ay lee yihiin dad kasoo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya islamarkaana uu wax ka qabto.