AKHRISO WARBIXIN:- Diyaarad ka safartay Soomaaliya oo Shil Gashay, Halkee ku gashay ?

0

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Kenya ayaa xalay si ku meel gaar ah u  xiray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka dib  markii diyaarad ka tagtay Soomaaliya ay shil burbur u geystay garoonka ay ku gashay halkaasi.

War qoraal ah oo ka soo Madaxda garoonka Jomo Kenyatta ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay saameyn ku yeelatay adeegyadii ka socday garoonka , islamarkaana muddo is kumeel gaar ah loo xiray garoonka.

Gudoomiyaha Garoonka Jomo Kenyatta ayaa wariyeyaasha u sheegay in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay shil ku gashay gudaha Garoonka , islamarkaana burbur aan badneyn uu  soo gaaray garoonka.