Wasiir Cusub oo lagu dhaariyey Magaalada Garoowe

0

Waxaa saaka 27 November 2016 qasriga madaxtooyada Garoowe lagu dhaariyey wasiir kuxigeenka dakhliga ee wasaarada maaliyada Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye iyo xubin ka tirsan maxkamadda sare ee Dawladda Puntland Maxamed Cumar Axmed .

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan maxkamada sare ee maamulka Puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha madaxtooyada.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa dhaarta kadib waxa uu masuuliyiinta la dhaariyay kula dardaarmay in ay shaqadooda si daacad ah u gutaan, uguna adeegaan dalka iyo dadkoodaba, islamarkana ay ka feejignaadaan wax walba oo shaqadooda gaabis ku keenaya.