WAR DEG DEG AH:- Kooxda Daacish oo kusii faafaysa gobolka Bari

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdii Daacish ee dhawaan qabsatay degmada Qandala ay bilaabeen dhaqdhaqaaqo ciidan oo ay ku doonaayaan in ay kula wareegaan degaanada hoos yimaada degmada Qandala.

Dadka ku sugan degaanka  Balidhidin oo ku dhow Magaalada Qandala ayaa sheegay in ay kusoo dhawaadeen ciidamo ka tirsan kooxda Daacish ee gacanta ku dhigay Qandala.

Saddex gaari oo ciidan wata ayaa la sheegay in lagu arkay degaanka Balidhidin oo ku dhaw Degmada Qandala, gaadiidkaasi oo ka soo baxay dhinaca Degmada Qandala.

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegtay in ay isku fidin doono degmooyinka iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada gobolka Bari.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku dhow Magaalada Qandala waxaana la sheegaya in ay adagtay in weerar lagu qaado Qandala ,madaam Kooxda Magaalada ay ka sameystay dhufaysyo waa weyn.