WAR DEG DEG AH:- Booliska dalka Uganda oo xabsiga u taxaabay Boqor Rwenzururu

0

Booliska Galbeedka Uganda ayaa u xirey boqor Rwenzururu dagaalo dhex maray ciidamada Booliska iyo maleeshiyaad taasoo sababtay geerida 55 ruux.

Charles Wesley Mumbere ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar ay maleeshiyo ku qaaday saldhig Boolis magaalada Kasese. Ciidamada ammaanka Ugand ayaa weeraray qasriga boqorka iyadoo lagu eedeeyay in ay halkaas ay ku dhuumanayaan maleeshiyaadka ka dambeeyay weerarka lagu qaday saldhiga booliska.

Afhayeen u hadlay dowlada Uganda ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka inay doonayaan inay ka go’aan wadanka Uganda. “Maleeshiyaadka waxa ay ka sameysteen xeryo buuraha Rwenzori ku yaal halkaas oo ay tababaro ku qaadanayeen si ay u soo weeraraan xarumaha dowlada”ayuu yiri  Shaban Bantariza.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in dadka soo weeraray saldhiga booliska ay ahaayeen dad u dagaalamaya inay ka abuuraan dowlad cusub oo ka madax banaan Uganda gaar ahaan xadka ay la leeyihiin dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.