WAR DEG DEG AH:- Ahlu Sunna oo la wareegtay hoyga Siyaasi Cabdi Waal uu ka degan yahay Guriceel

0

Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa galabta weeraray hoyga uu Magaalada Guriceel ka degan tahay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal).

Cabdi Waal, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa uu ku noollaa Xarunta Maamulka Ahlu Sunna, ka dib markii laga soo sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ahlu Sunna, ayaa hoyga Cabdi Waal waxay galabta taggeen, xilli uu ka maqnaa, iyagoona ugu tagey ilaalada hoygiisa iyo wa-xooggaa hub ah.

Suxufiyiinta Magaalada Guriceel, ayaa soo sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay halkaasi ka kaxeysteen ilaaladii ku sugneyd, hubkii ay haysteen iyo wa-xooggaa hub ihi, oo keyd ahaan u yaalay gurigaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna, ayaa waxaa la soo warinaya inay iyagu haystaan hoyga Cabdi Waal, waxaana illaa iyo hadda si rasmi ihi loo shaacin baahida keentay weerarka lagu qaaday hoygaasi.

Waxaase soo baxaaya warar sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad uu maalmahaanba ku hawlanaa arrimaha Maamulka Hirshabelle, isagoo markaasi ka soo gelaaya dhinaca Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Matabaan waxaa ka arrimisa Ahlu Sunna.

Saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ay dib ka soo faah faahin doonaan, waxa ku khasbay duulaanka ka dhanka ah Cabdi Waal, oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin.