TOP NEWS:- Dowladda Itoobiya oo ka qeyb qaadaneysa sugidda amniga doorashada Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso sugidda amniga doorashooyinka Soomaaliya iyada oo ah deriska Soomaaliya iyo Guddoomiyaha IGAD.

Raisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa booqasho ku jooga dalka Itoobiya,waxaana uu la kulmay Wasiirrka arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka dooday doorka Dowladda Itoobiya ee amniga Soomaaliya,in Soomaaliya laga caawiyo tababarka shaqaalaha Dowladda iyo xiriirka labada dal sidii loo horumarin lahaa.

Ra’isalwasaare Sharma’arke ayaa Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay ballanqaadka ay u sameysay,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Itoobiya ay fuliso Ballan qaadayada ay u sameysay Soomaaliya.

Waxaa ay Dowladda Itoobiya sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso amniga doorashada Soomaaliya si la mid ah saaxiibada Soomaaliya eek u howllan in arrintaasi nabad ku dhacdo.

Doorashada ayaa 15 Cisho dib uga dhacday xilligii lagu ballamay waxaana midda Madaxtooyada ay dhaceysaa 15ka Bisha December ee soo socota.