Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Mudug

0

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Dumaaye oo hoostaga Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal khasaare geystay.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo sidoo kale Dadka Degaanka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka Dadka Degaanka ay ku amreen in ay bixiyaan waxyaabo Shabaabka ay u yaqaanaan Zakawaadka, waxaana arrintaasi ka hor yimid Dadka Degaanka.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 12 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Xaalada Degaanka Dumaaye oo hoostaga Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa hada ah mid degan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay, iyadoo mar walba la filan karo Dagaal.

Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale Shabaab iyo Dadka Degaanka ay ugu dagaalameen Degaanka Dumaaye, waxaana Dagaalkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.