DHAGEYSO:- Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado oo maanta baaqatay iyo Kuraasta qaar oo weli la isku heysto

0

Waxaa maanta lagu waday Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Mamulka Galmudug in ay ka dhacdo Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose, iyadoo Doorashadaasi ay ku timid dib u dhac.

Doorashadan maanta ka dhici laheyd Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku tartami lahaa Axmed macalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dib u dhacan ayaa waxaa loo sababeeyay is qab qabsi iyo waliba khilaaf u dhaxeeya Ergooyinka dooran lahaa Labadan Musharax, waxaana socda dadaalo lagu xalinyo arrintan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay Dorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug in la soo gaba gabeyn doono maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Hoos ka Dhageyso Codka:-