DHAGEYSO:- Tirada dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo sii korortay

0

Waxaa sii kordhaya tirada dadkii shalay ku dhaawacmay Qarax loo adeegsay Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee Degmada Waaberi.

Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Suxufiyiinta ayaa maanta waxa ay u kuur galeen Isbitaalada kala ah Daaru-shifa iyo Madiina, halkaasi oo la dhigay tiradii ugu badneen ee Qaraxii shalay ku dhaawacantay.

Dr. Maxamed Yuusuf oo ah Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Isbitaalkooda oo keliya la keenya 41 bukaano ah, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Isbitaalka Daaru-shifa ayaa sidoo kale waxaa la jiifiyay tiro dad ah, kuwaasi oo ku waxyeeloobay Qaraxii shalay dhacay, waxaana Agaasimaha Isbitaalka Daaru-shifa uu saxaafada u sheegay in Isbitaalka la keenay 35 ruux.

Hoos ka Dhageyso Codka:-