DHAGEYSO:- Taliye Gaafoow oo ka warbixiyay qaabkii uu ku bilowday Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta iyo Cida u suurta gelisay iney gacanta ku dhigaan Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxa

0

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Jeneraal C/llaahi Gaafoow oo booqday Garaashkii ay Ciidanka amaanka la wareegeen ee la ogaday in lagu soo diyaariyay Qaraxii shalay ka dhacay Suuqa Beerte ee Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in khasaaraha uu intaan ka sii weynaan lahaan balse ay Ciidanka amaanka ka hortageen Qaraxa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Haweeney Suuqa joogtay ay gaariga ka shakisay inta uusan qarxin ka dibna ay la soo xiriirtay Hay’adda amaanka sidaasina loogu hortagay khasaaro badan oo ka dhashay qaraxaasi.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Jeneraal C/llaahi Gaafoow ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii uu qaraxa ku bilowday iyo qaabkii ninka lagu qabtay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-