DHAGEYSO:- Shacabka Muqdisho oo baaq loo diray, looguna digay iney ka fogaadaan Hal Arrin

0

Taliyaha Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Generaal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Hay’adda Nabada sugida iyo sidoo kale sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay si hufan ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed qaarkood ay si weyn ula shaqeeyaan ciidanka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay kusoo wargaliyaan falalka amniga lidiga ku ah ee ay ku arkaan Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-