DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo Fariin adag u diray Madaxda maamul goboleedyada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay dhaqan geliyaan heshiisyada ay gaarayaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in arintaasi la dhaqan geliyo madaam uu sheegay  hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ay horay iskugu raaceen in la qaado tilaabadaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la dar dargeliyo howlaha doorashooyinka ee ka socda dalka.

Madaxda maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay in ay qaataan go’aamada kasoo baxaya guddiyada doorashooyinka dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-