DHAGEYSO+AKHRISO:- Galmudug oo codsatay in laga badelo wakiilka Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Galmudug

0

Madaxweynaha maamulkaGalmudug cabdi kariin ayaa ka hadlay muranka ka jira doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa codsaday in laga badelo Guddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee degaanada maamulka Galmudug ,ka dib markii uu sheegay in uu faraha la galay howlo ka baxsan doorashada.

Warka kasoo baxay Galmudug ayaa sidaan u qornaa:

Annagoo ka amba qaadeyna habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa Wakiilada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka, kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakiilka ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo kabaxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Hadaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka codsaney inuu nalagala laabto xubintaas nooguna soo badalo dad aan wada shaqeyn karno. Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan Guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan kuna shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray. Dhammaad Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

warqada