DHAGEYSO:- Ciidanka AMISOM oo 10 bilood ka dib Maanta Mushaar helay

0

Dowladda Uganda ayaa oo ka mid ah dowlaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeeda qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ay heleen mushaarkoodii oo ka maqnaa muddo ku dhow 10 bilood.

Taliyaha Ciidanka Difaaca dowladda Uganda  Katumba Wamala ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dowladda Uganda Midowga Yurub uu ku wareejiyay Mushaarka ciidankeeda jooga Soomaaliya , islamarkaana dhawaan lagu wareeji doono ciidanka.

Wamala  ayaa sheegay in lacagtaasi ay dhan tahay $ 4.9Milyan oo dollar.

” Ciidankeena jooga Soomaaliya waa ay nagu wareejiyeen Midowga Yurub dhaqaalihii loogu talagalay in ay ku howl galaan , waxaaana sugeynaa inaa u qeybino Bisha January ee Sanadka soo socda” sidaas waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Difaaca dowladda Uganda  Katumba Wamala

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo cusub oo kasocda dowladda Uganda ay dhawaan soo gaari doonaan dalka Soomaaliya ,kuwaa soo ka qeyb qaadan howgalka la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-