DHAGEYSO:- Banaanbax Balaaran oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin sare oo ka qeyb gashay

0

Banaanbax roob doon ah ayaa ka Dhacay Magalada Gaalkacyo  waxaana alle looga barayay inuu umaddiisa ka dulqaado abaaraha iyo biyo la’aanta laga soo sheegayao dhulka reer guuraaga.

Xubno ka tirsan dowladda, sida wasaradda Cadaalada, arrimaha gudaha, culimadda, iyo shacab faro badan ayaa isigu soo baxay Duleedka Gaalkacyo, halkaasoo Alle lagu baryay laguna tukadal labo Rakcadood oo sunno ah.

Salaada ka dib ayay culimaddii goobta ku sugnayd waxay halkaaso kasoo jeediyay kalmado ka hadlaya in mar kasta Alle la baryay oo la xasuusto isla markasna loo gar gaaro qoysaska abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee ku nool dhulka miyiga ah.

Sheikh Cabdulaahi Calyer oo ka mid ah culumada Gobolka mudug ayaa sheegay inay muhiim tahay in la badiyo baryada Alle iyo is-kaashiga walaalnimo. wuxuna sheegay in dadka hantida haystaa looga baahan yahay inay wax la baxaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-