AKHRISO:- Muslimiinta Mareykanka oo durba la kulmay hanjabad lama filaan ah oo kaga timid Donald Trump

0

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in Ciiddamo dheeraad la dhigo Masaajidda, kadib, markii 3 Masjid oo ku yaalla Gobalka Kaliforniya heleen Qoraalo lagu cabsi geliyey Mslimiinta in la xasuuqi doono, iyadoo dhanka kale qoraaladaasi lagu bogaadiyey Madaxweynaha la-doortay ee Donald Trump.

Qoraalkaasi oo far-gacmeed ahaa waxaa lagu muujiyey inuu Donald Trump u xasuuqi doono Muslimiinta sidii uu Naasigii Hitler u xasuuqay Yuhuudda.

Wargeyska The Los Angeles ayaa qoray in 2 masjid oo ku yaalla Deegaanka Los Angeles heleen digniinahaasi maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, halka Masjidka ku yaalla San Jose heleen Khamiistii la soo dhaafay.

Afhayeenka Waaxda Boliska Deegaanka San Jose, Saddex Alifle Enrikue Garsiya ayaa sheegay inay fureen Baaritaan buuxa, isla markaana arrintaasi u arkaan Shil dhiirigelinaya Nacaybka.

Dhinaca kale, Kooxo aan la aqoonin ayaa waxay Hadalo Nacayb leh ku qoreen Derbiyadda Masjid ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stocholm.

 

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Kooxahaasi waxyaabo baaruud ah ku tuureen Masjidka Aroortii hore ee shalay oo Sabti ahayd.

 

Saraakiisha Muslimiinta ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Swedish News Agency ee TT inay kooxaha Islaam-nacayb ku qoreen “Dila Muslimiinta” Derbiga Masjidkaasi oo ku yaalla Deegaanka Bredäng ee Koonfurta Stockholm.

1

2