DHAGEYSO:- Faah Faahino ka soo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay Jowhar

0

Inta la xaqiijiyey 5 qof ayaa ku geeriyooday kuwo kalena wey ku dhaawacmeen kadib  Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay degaanka Sabuun oo hoos yimaada degmada Mahadaay e gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka dhintay 3 ka mid ah ayaa ah Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid xoogan oo saameyn weyn ku yeeshay dadka degaanka , islamarkaana ay jiraan dad badan oo ay soo gaareen dhaawacyo aad u culus.

Qarax ayaa la sheegaya in goobta lagu aasay ay fadhiisan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-