DHAGEYSO:- Magacaabista Golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle oo dib u dhacday iyo Baarlamaanka HirShabeelle oo..

0

Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa muddo Bil ah ugu daray Madaxweynaha maamulkaasi inuu kusoo Magacaabo Golahiisa Wasiirrada.

Mudanayaasha Baarlamanka maamulkaasi ayaa horay ugu qabtay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble inuu kusoo dhiso Golahiisa Wasiirrada muddo 45 Cisho ah, taasoo uu dib u dhac ku yimid markii la guda galay doorashooyinka Aqalka Sare iyo hoose.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ah Dowlad Goboleedkii ugu dambeeyay ee laga hir geliyo Soomaaliya, waxaana si dar-dar leh ku socda dhammaystirka Tiirarkii Dowladnimo ee uu maamulkaasi yeelan lahaa.

Kulanka ka dib Waxaa Warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle ee Kulanka ka qeyb galay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-