DHAGEYSO:- Todobo ka mid ah Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Xaradheere

0

Toddoba ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay, dagaal xooggan oo ka dhacay degaannada Dummaaye iyo Dabagalo oo hoos taga Degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa yimid markii Malleeshiyada Al-Shabaab ay Dadka ku dhaqan Degaannadaasi kusoo rogeen cuna qabatayn iyo Dhac hantiyeed, iyagoo ku soo rogay Dhaqaale Uruurin ay ugu Magac dareen Zakawaad inay bixiyaan Bil kasta, sida ay Dadka degaannadaasi u Sheegeen Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Dadka degaannadaasi ayaa sidoo kale sheegay in Malleeshiyaadkii laga dilay Al-Shabaab la furtay Qoryihii ay ku dagaallamayeen iyo Saanad Milliteri.

Hoos ka Dhageyso Codka:-