DAAWO SAWIRADA+AKHRISO TAARIIKHDA:- Hogaamiye Taariikhda Fidel Castro

0

Telefishinka dowladda Cuba ayaa shaaciyay in hogaamiyihii hore ee dalk Cuba Fidel Castro uu geeriyooday. Wuxuu ahaa 90 jir ah.

Geeridiisa waxaa shaaciyay walaalkii, , Raul Castro, oo xilka kala wareegay sanaddii 2008.

Waxa uu sheegay in madixii kacdoonka Cuba uu geeriyooday saacaddu markay ahayd 10.30 pm xalay wakhtiga Cuba. Wuxuu dalkaasi xukumayay muddo 50 sano ah

Taariikhda Fidel Castro:-

Waxaa la gubi doonaa meydkiisa Sabtida, si waafaqsan dhaqanka dalkaasi, waxaana jiri doono dhowr maalmood oo baroor diiq qaran ah.

Ka dib markii uu afgembiyay kaligii taliyihii Fulgencio Batista sanaddii 1959, Fidel Castro wuxuu dalka Cuba ka alkumay dowlad shuuci ah wuxuuna muddo 40 sano ka badan astaan u ahaa Mareykan diid.

  • 1926:Wuxuu ku dhashay gobolka Oriente ee koofur bari Cuba.
  • 1953: Xabsiga ayaa la dhigay ka dib markii uu hoggaamiyay kacdoon dhicisoobay oo ka dhan ahaa xukunkii Batista.
  • 1955:Xabsiga ayaa laga sii daayay, taasoo qeyb ka ahayd heshiis cafis ah.
  • 1956:Isaga iyo Che Guevara, waxay billaabeen jabhadeyn ka dhan dowladda.
  • 1959: Wuxuu ka adkaaday Batista, waxa loo dhaariyay xilka Ra’iisal Wasaaraha.
  • 1961:Wuxuu la dagaalamay qorshe ay CIA-da maalgelisay oo koox dibad joog ah oo Cuba u dhashay ay ku maleegayeen inay dalka ku soo weeraraan.
  • 1962:Wuxuu abuuray qalaalaase dhinaca gantaalada ah markii uu Midowga Suufiyeeti ka aqbalay in gantaalada Niyukliyeerka ay Cuba ku rakiban karaan
  • 1976:Baarlamaanka ayaa madaxweyne u doortay.
  • 1992:Wuxuu heshiis ku saabsan qaxootiga Cuba la galay Mareykanka.
  • 2008:Xilka ayuu iska casilay iyadoo caafimaadkiisa uu aad u liitay

Hoos ka Daawo Sawirada:-

fidal_1 fidal_2 fidal_3 fidal_4 fidal_6