Facebook oo ku dhawaaqday inay sameysay qalab ka hortagga wararka beenta ah

0

Madaxa fulinta barta bulshada ee Facebook wuxuu ku dhawaaqay tallaabooyiin cusub oo lagu joojinayo wararka beenta ah ee barta ka soo muuqda.

Warbixin lagu qoray Facebook ayuu Mark Zuckerberg ku sheegay in shirkaddiisa ay sameysay qalab cusub oo qabanaya sidoo kalana kala saaraya “wararka beenta ah”.

Wuxuu intaa ku daray inay ka fiirsadeen hubinta shirkadaha wararka soo qora.

Facebook waxa ay wajaheysay eedeymo ah in lagu baahiyo warar aan waxba ka jirin.

Waxaa loo maleynaayaa in wararkaasi qaar ay saameyn ku yeesheen natiijadii ka soo baxday doorashadii Mareykanka.

Sabtidii, Mr Zuckerberg, ayaa ka hadlay kullanka hogaamiyayaasha caalamka ee APEC ee ka dhacay dalka Peru.

Wuxuu ku baraarujiyay in laga wada shaqeeyo hormarinta isku xirnaanta caalamka iyo in dadka dunida oo dhan la gaarsiiyo internet-ka.

Xigasho BBC