DAAWO SAWIRADA:- Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho

0

Innta la xaqiijiyay 2 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhimatay  Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo ka dhacay Suuqa Bacadlaha ee degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxan, ayaa la sheegayaa inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana la geliyay goob ciidanka Booliska ay fariistaan oo dhismo Jiingad ah ay uga sameysan tahay.

Dhismaha Jiingadan Booliska ay fariistaan ayaa waxa uu ku yaala wadada dhinaceeda, gaar ahaan dhinaca Xigta Barxada qaadka lagu Iibiyo ee Degmada Xamar weyne.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray , waxaana ay wadaan howgallo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA:-

1-3 2-2 3-3 4-3 6-3 7-3