TOOS ULA SOCO:- Maxaa ka socda Cadaado ? Yaase guuleystay Maanta ?

0

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Galmudug.

Doorashada oo saakay ka bilaabatay ayaa keliya waxaa lagu doortay Hal kursi oo kaliya, waxaana ku guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud, kadib markii ay tanaasuleen Labadii Musharax ee uu la tartamaayay.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa helay 48 cod oo gacan taag ah, waxana ay walaalo yihiin C/laahi Gaafow Maxamuud oo hada ah Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Ergada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.